Kooxda Inter Milan oo 3 laacib qandaraaska u kordhinaysa

(Milano) 07 Maarso 2017 – Inter Milan ayaa ku tala jirta inay qandaraasyo cusub u gacan geliso laacibiinta Jeison Murillo, Gary Medel iyo Danilo D’Ambrosio, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxda Nerazzurri ayaa doonaysa inay sii xoojiso asaaskeedii hore sanadaha soo socda, ka hor inta aysan laacibiin cusub kusoo biirin kooxda Stefano Pioli.

Sida uu qorayo La Gazzetta dello Sport, laacibka caalamiga ah ee reer Chile ee khadka dhexe, ayaa isaga la siin doonaa qandaraas cusub oo kooxda ku haynaya ilaa 2020.

D’Ambrosio ayaa isaga isaga isla xilligaas oo kale qandaraaskiisa la gaarsiinayaa, halka daafaca dhexe ee Jeison Murillo kiisa la gaarsiin doono ilaa 2022.

Generated by  IJG JPEG Library
Generated by IJG JPEG Library

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close