Ancelotti oo amaanay Wenger ka hor kulankooda caawa

(Munich) 07 Maarso 2017 Tababaraha kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa amaanay dhigiisa kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ka hor kulankooda caawa.

Bayern Munich ayaa caawa u martin doonta Arsenal xili ay 5-1 uga soo adkaatay kulankii lugta hore, waxayna u muuqdaan koox u soo gudubtay wareega xiga.

Laakiin Ancelotti ayaa ka soo horjeestay in la eedeeyo tababare Wenger kadib guul darooyinkii is xigxigay ee ka soo kala gaaray Bayern Munich iyo Liverpool.

“Waa inaan la qabsanaa eedeymaha (haddii aan nahay tababareyaal), waan hubaa in Wenger aysan eedeymuhu saamayn ku lahayn, waa wax iska caadi ah, shaqsi ahaan ixtiraam badan ayaan u haayaa isaga” ayuu yiri Ancelotti.

“Tababare walba ma awoodo inuu sameeyo wixii uu sameeyay Arsene Wenger” ayuu sii raaciyay tababaraha reer talyaani.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close