Taageerayaasha Real Madrid oo ka soo horjeestay in BBC lagu soo bilaabo kulanka Napoli

(Madrid) 06 Maarso 2017 Intabadan taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa mucaaraday in weerarkooda BBC lagu soo bilaabo kulanka adag ee ay u safrayaan Napoli.

Real Madrid ayaa 3-1 uga soo adkaatay kooxda Napoli lugtii hore, waxayna ku dadaalayaan inay u soo gudbaan wareega 8-da habeen dambe.

Ronaldo iyo Bale oo ka maqnaa kulankii Eibar ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda, laakiin taageerayaasha ayaa ka soo horjeestay in weerarka BBC lagu soo bilaabo kulanka Napoli.

Image result for BBC REAL MADRID

AS ayaa ra’yi uruurin ka dhex samaysay taageerayaasha Real Madrid, 77% waxay ka soo horjeesteen in weerarka BBC lagu soo bilaabo kulankaas.

Halka 23% ay taageereen in weerarka BBC ay ku soo bilowdaan kulanka adag ee habeen dambe ay Real u safri doonto kooxda Napoli.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close