Jeenyo iyo Banaadir oo bar baro ku kala tagay iyo Heegan oo dirqi ku badisay + SAWIRRO

IMG_9320

(Muqdisho) 06 Mar 2017. Kooxaha sida weyn u xifaaltama ee Banaadir iyo Jeenyo ayaa ku kala tagay bar baro 2-2, ciyaar ka tirsan horyaalka Soomaaliya.

Kullankaan ayaa ka dhacay garoonka Koonis waxaana goolasha la hor martay Jeenyo xilli afar daqiiqo gudaheeda ay ku dhalisay laba gool waxaana u ansixiyay Eeneey iyo Xasaasi.

Kooxda Jeenyo ayaa qeybtii hore dheesha waxa ay iska lumisay fursado wanaagsan oo ay ku dhalin kartay goolal balse ma aysan noqon oo naadiga Banaadir ayaa ka faa’ideystay iyadoo ciyaarta ka dhigtay 2-2, waxaana 2-da gool u  ansixiyay xiddiga Marcel.

Qeybtii hore ee ciyaarta  ayaa lagu kala maray bar baro 2-2.

Markii dib la isugu soo laabtay labaad kooxood ayaa sameyay fursado wanaagsan balse ma aysan noqon in gool la dhaliyo.

Dhanka kale Heegan ayaa 2-1 uga badisay Muqdisho United ciyaar xiiso badneyd oo ka dhacday Jaamacadaha.

Goolasha  ay guusha ku qaaday kooxda Booliska waxaa u dhaliyay C/rizaaq Zalatan iyo  xiddiga C/kariin Boqari oo waqtiga dhimashada  ciyaarta ka dhigay 2-1.

IMG_9188 IMG_9190 IMG_9191 IMG_9193 IMG_9195 IMG_9198 IMG_9200IMG_9201 IMG_9205 IMG_9206 IMG_9208 IMG_9211 IMG_9212 IMG_9214 IMG_9218 IMG_9219 IMG_9221IMG_9222 IMG_9225 IMG_9227 IMG_9230 IMG_9233 IMG_9240 IMG_9241 IMG_9245 IMG_9249 IMG_9252IMG_9253 IMG_9257 IMG_9259 IMG_9266 IMG_9269 IMG_9271 IMG_9273 IMG_9274 IMG_9283 IMG_9286IMG_9287 IMG_9290 IMG_9291 IMG_9296 IMG_9299 IMG_9312 IMG_9314 IMG_9315 IMG_9318 IMG_9320IMG_9322 IMG_9328 IMG_9333 IMG_9336 IMG_9337 IMG_9339 IMG_9340 IMG_9343 IMG_9350 IMG_9351IMG_9356 IMG_9357 IMG_9360 IMG_9363 IMG_9366 IMG_9367 IMG_9368 IMG_9369 IMG_9372 IMG_9382IMG_9399 IMG_9404 IMG_9405 IMG_9406 IMG_9408 IMG_9412 IMG_9414 IMG_9416 IMG_9426 IMG_9427

SAWIR QAADE: Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close