Goolkii Radamel Falcao oo loo doortay kii usbuuca ee Champions League…. (Yaa la tartamayay?)

falcao

(Yurub) 06 Maarso 2017 – Goolkii uu ka dul qaaday goolwalaha Man City weeraryahanka kooxda Monaco ee Radamel Falcao ayaa loo doortay goolka usbuuca ee Champions League.

Dhaliyaha kooxda Monaco ayaa kaalin wayn ku lahaa kulankii siddeeda gool la iska dhaliyey ee ka dhacay garoonka Etihad, kaasoo kooxda Ligue 1 ugu dambayn looga adkaaday 5-3, waxaana goolka usbuuca ee Champions League noqday kii uu Falcao sida xirfadeysan uga dul qaaday goolhayaha Man City.

Xiddiga xulka qaranka Colombia ayaa goolkiisa waxaa la tartamayey goolkii uu Casemiro ka dhaliyey kulankii ay kooxdiisa Real Madrid 3-1 ku garaaday Napoli.

Sidoo kale kulankaas Lorenzo Insigne ayaa gool cajiib ah daba mariyey goolhaye Keylor Navas, kaasoo isna tartanka goolka usbuuca ee Champions League qeyb ka ahaa.

Angel Di Maria goolkiisii uu ka soo tuuray bannaanka xerada ganaaxa kulankii ay PSG 4-0 ku garaacday kooxda Barcelona ayaa ka mid ah goolasha la tartamayey midka Falcao.

Falcao ayaa sidoo kale tartanka goolka usbuuca ee Champions League ku garaacay midkii xiddiga kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben uu ka dhaliyey Arsenal kulankii 5-1 lagu garaacay Gunners ee ka dhacay garoonka Allianz Arena.

DAAWO GOOLKA USBUUCA EE CHAMPIONS LEAGUE:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close