Bonucci luuqada Ingiriisiga ayaan baranayey….Miyuu ku biiri doona Chelsea?

Italy v Finland - International Friendly

(Turin) 06 Mar 2017. Daafaca Juventus Leonardo Bonucci ayaa qiray In uu baranayey luuqadda Ingiriisiga ah xilli uu isu diyaarinayey ka tagidda Serie A-ga balse uu go’aansaday in uu joogo.

29 jirka waxaa si xoog leh loola xiriirinayey Stamford Bridge tan iyo markii uu majaraha kooxda London galbeedkeeda ka dhisan u qabtay Antonio Conte.

Daafaca waxaa keydka la dhigay kulankii Champions League-ga ee Porto kaddib markii uu kala duwanaansho soo dhexgalay isaga iyo Massimiliano Allegri balse shabaqa ayuu soo taabtay ciyaartii Udinese.

Waxaa a aaminsan yahay in Chelsea ay dooneyso wali Bonucci balse waxa uu qiray in uu mar dalab ka diiday.

‘Dalabyo ayaa I soo gaaray,’ Bonucci u sheegay Premium Sport.

‘Hadii aan rabay in aan tago, waan sameyn lahaa. Ingiriisaga ayaan baranayey.’

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close