Allegri oo u sheegay Arsenal xiddiga uu doonayo in uu noqdo saxiixiisa kowaad…Waa kee?

SS Lazio v AS Roma - TIM Cup

(London) 05 Mar 2017. Massimiliano Allegri waxa uu Arsenal u sheegay bartilmaameedkiisa ugu weyn isaga oo ku tilmaamay khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic- sidaas waxaa laga soo xiganayaa warar hoose.

Sunday Express waxa ay sheegtay in Allegri uu heshiis afka ah la gaaray Arsenal si uu u badalo Arsene Wenger marka uu dhamaado oolahan, ninka reer France ma muujin in uu saxiixi doono qandaraas sanad ama laba ah oo la sheegay in kooxdu u soo bandhigtay.

Yeelkeede, saxaafadda waxa ay sheegeysaa in Talyaaniga uu hore wadaxaajood ugula jiray Arsenal waxa uuna u sheegay bartilmaameedyadiisa.

Waxaa ka mida Milinkovic-Savic, kaas oo bandhigyo caaqibo leh xilli ciyaareedkan u sameeyey Lazio.

SS Lazio v AS Roma - TIM Cup

Xiddiga kolba labada xeyn-daab ganaax taagan ayaa dhaliyey afar gool halka uu saddex kalena caawiyey 24 kulan oo uu Serie A-ga uga soo muuqday Lazio  xilli ciyaareedkan.

Kooxda reer Italia waxa ay rabtaa in ay heshiis cusub ka saxiixato balse Serbian-ka wadahadal ma gali doono ilaa iyo ololaha idlaado.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close