Wayne Rooney oo kulankiisii 550-aad maanta u ciyaaraya Man United… (Halkee kaga jiraa xiddigaha ugu safashada badan Red Devils?)

C6EsehjXMAApz11

(Manchester) 04 Maarso 2017 – Kabtan Wayne Rooney ayaa maanta ku soo bilowday safka hore ee kooxdiisa Manchester United kulanka Premier League ee ay ka horjeeddoo naadiga AFC Bournemouth, waxaana uu u safanayaa kulankiisii 550-aad.

Wayne Rooney ayaa noqday ciyaaryahankii lixaad ee taariikhda Manchester United oo u safta 550 kulan.

Haddaba haddii uu Rooney maanta noqday xiddiga lixaad ee ugu safasha badan Man United, halkaan hoose ka eeg xiddigaha ugu kulan safashada badan Man United iyo ciyaaryahan waliba inta kulan oo uu u saftay kooxda:-

Ryan Giggs (963)

Sir Bobby Charlton (758)

Paul Scholes (718)

Bill Foulkes (688)

Gary Neville (602)

Wayne Rooney (550)

Dhinaca kale Luke Shaw ayaa isna ku soo bilowday safka hore ee Man United markiisii ugu horreysay kulan Premier League ah tan iyo 29 bishii October sanadkii 2016, waana muddo haatan laga joogo 126 maamood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close