Ronaldo oo dhaawacmay iyo Bale oo la ganaaxay,,,(Madrid oo mashaqeysan)

mad

(Madrid) 03 Mar 2017. Real Madrid ayay mashaqada ku sii badaneysaa xilli ay hogaanka horyaalka La Liga ka qabatay kooxda Barcelona inkastuu kulan u harsan yahay.

Cristiano Ronaldo ayaa la xaqiijinayaa inuu dhaawac ku seegayo kulanka sabtida ay u safrayaan Eibar.

Laacibka reer Portugal ayaan tababarka la qaadan kooxdiisa kaddib dhaawac muruqa oo soo gaaray.

Image result for Ronaldo injury

Zidane ayaa maanta shirkiisa jaraa’id ku sheegay dhaawaca Ronaldo.

Sidoo kale Bale ayaa isna labo kulan oo ganaax ah ka maqnaan doona Los Blancos kaddib kaarkii casaa uu qaatay ciyaartii ay Real Madrid bar-baraha dirqiga ah la gashay kooxda Las Palmas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close