Luis Suarez oo daaha ka qaaday sababtii uu isaga diiday ku biirida Real Madrid

(Barcelona) 03 Maarso 2017 Weerar yahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa daaha ka qaaday sababtii ka danbaysay inuu diido ku biirida kooxda Real Madrid.

Luis Suarez ayaa sheegay inuu wadahadalo kula jiray kooxda Real Madrid balse wax walbo ay burbureen markii wadahadalada ay ku soo biirtay kooxda Barcelona.

30 jirkaan ayaa qarka u fuulay inuu ku biiro Real Madrid kadib koobkii aduunka ee 2014, balse rabitaankiisa oo ahaa inuu ku biiro Barcelona ayaa hor istaagtay u dhaqaaqidiisa caasimada Spain.

Image result for luis suarez vs real madrid

“Waxaan wadahadalo kula jiray Real Madrid, laakiin markii Barcelona ay ila bilowday wadahadal, kama labalabayn” ayuu yiri Luis Suarez.

Xiddigaan ayaa xiliciyaareed kaan u dagaalamaya gool dhalinta horyaalka, wuxuuna laba gool ka hooseeyaa saaxiibkiis Messi isaga oo sidoo kale hal gool ka sareeya Ronaldo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close