Kooxda Juventus oo soo bandhigtay funaanadda ay ku ciyaarayso fasalka soo aaddan ee 2017-18 + Sawirro

(Torino) 03 Maarso 2017 – Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay naqshadda funaanadda ay ku ciyaari doonto fasal-ciyaareedka soo aaddan ee 2017-18.

Naqshaddan cusub oo dhowr midab ka kooban ayaa marka laga soo tago midabbada ay kooxdu caan ku tahay waxaa wehlinaya midabbada jaallaha iyo caddaanka, iyadoo sidoo kale ay xusid mudan tahay in markii ugu horreeysey ay funaanadda Juve ka muuqan doonto astaanta cusub ee Juventus oo uu ka muuqdo xarafka J.

Waxaa xitaa funaanadaha Juve ay kalka soo aaddan sidoo kale ka muuqanaysa laba astaamood oo kuwa Adidas ah, iyadoo ay midi tahay midda ay hadda adeegsato midna ay tahay middii ay horay u lahaan jirtey sharikadda reer Jarman ee sameeysa afabka isboortiga.

b b1 b2 b3 b5 b6 b7 b8

b

b b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close