Didier Deschamps oo mugdi galiyay mustaqbalkiisa xulka France

(Paris) 03 Maarso 2017 Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa mugdi galiyay mustaqbalkiisa xulka marka uu soo idlaado qandaraaskiisa.

Qandaraaska Didier Deschamps ee xulka France ayaa ku eg marka uu soo idlaado koobka aduunka ee 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.

Wuxuuna sheegay in haatan uu ku dadaalayo sidii xulkiisu uu ku gaari lahaa koobka aduunka ee 2018, isaga oo intaa ku daray in kadib uu ka fikiri doono halka uu u dhaqaaqayo.

Image result for didier deschamp

“Kama fikirayo mustaqbalkeyga iyo tilaabta xigta ee aan qaadayo kadib dhamaadka qandaraaskeyga, kaliya waxaa haatan ka guuxaya maankeyga sidii aan ugu soo bixi lahayn koobka aduunka ee 2018” ayuu yiri Didier Deschamps.

“Tababareyaasha qaar xor ayeey u yihiin go’aan kooda, haddii ay xulalkooda la joogayaan iyo haddii ay dib ugu laabanayaan tababarida kooxaha, laakiin muhiimad ma siinayo wixii dhici doona barri”.

“Marka uu soo idlaado qandaraaskeyga, markaas ayaan ka fikiri doonaa tilaabta xigta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close