Arsenal oo jawaab dag dag ah ka sugaysa Arsene Wenger

(London) 03 Maarso 2017 Kooxda Arsenal ayaa waqti u qabatay tababarehooda Arsene Wenger kaas oo mugdi uu ku jiro mustaqbalkiisa.

Heshiiska Arsene Wenger ee kooxda Arsenal ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kan, mana muuqato qorshe uu haatan ku saxiixayo heshiis cusub.

The Sun ayaa baahisay in maamulka Arsenal ay hordhigeen tababare Wenger heshiis 2-sano ah, waxayna ka sugayaan jawaab dhamaadka bishaan Maarso.

“Ma qaadan go’aan ku aadan ainkaas, muhiimna ma ahan in haatan laga hadlo, ilaa 20 sano ayaan joogay halkaan, waxaan helay dalbyo badan oo aan uga tagi karay, uma baahni qancin qof, marwalba dooqaygu waa Arsenal” ayuu yiri Wenger oo ka hadlay mustaqbakiisa.

“Ma raadinayo shaqooyinka kooxaha kale, kooxdu xor ayeey u tahay go’aankeeda, waana ixtiraami doonaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close