NATIIJO: Heegan oo laga badiyay iyo Horseed oo guul gaartay

IMG_8779

(Muqdisho) 02 Maarso 2017. Kooxda Heegan ayaa guuldarro kala kullantay naadiga ku cusub heerka koowaad ee Bariga Dhexe kaddib ciyaar ka dhacday garoonka Jaamacadaha.

Kullanka ayaa ahaa mid xiisihii wata waxaana waqtigii loogu tala galay uu kusoo dhammaaday 2-1 oo loogu badiyay kooxda ciidan Booliska.

Naadiga ka dhisan Shabeelaha Hoose ayaa goolasha ka heshay xiddigaha Xasan Suarez iyo Shiikha kuwaas oo ka mid ah halboowlayaasha kooxda.

Goolka qura waxaa Heegan u dhaliyay kabtankooda Jabriil Xasan Fariid, kaasoo qaab ciyaareed loo riyaaqay soo bandhigay,

Kooxda Bariga Dhexe ayaa iminka tagtay 10-dhibcood, iyadoo ku jirta booska afaraad kala sareynta horyaalka Soomaaliya.

Dhanka kale kooxda Horseed ayaa guul ka gaartay Muqdisho United, iyadoo ugu badisay 2-0.

Cawo iyo Maalin ayaa goolasha ka heshay xiddigaha Nuune iyo Cadaani, waxaana kooxda iminka y ku jirtaa booska labaadiyadoo wadata 14 dhibcood.

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close