Kullamo ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya oo galabta la ciyaari doono

koonis

(Muqdisho) 02 Maarso 2017. Kullamo ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoomada Koonis iyo Jaamacadaha ee ku yaala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Horyaalka ayaa si xiiso leh u soconayo iyadoo ay hoggaamineyso naadiga difaacaneysa koobkaan  ee Banaadir.

Garoonka Koonis waxaa ka dhici doona kullan aad u xiiso badan waxaana is arkaya kooxaha Muqdisho United iyo Dekedda.

Dekedda ayaa kullankii ugu dambeeyay waxa ay guuldarro kala soo kullantay kooxda Horseed, halka Muqdisho United ay bar baro la soo gashay Jeenyo.

Dhanka kale garoonka Jaamacadaha ayaa waxaa isku wajahi doono kooxaha Waxool iyo Bariga Dhexe, xilli koox kaste ay dooneyso in ay guul gaarto.

Labadaan kooxood ayaa laga soo badiyay kullamadoodii  u dambeeyay horyaalka  waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay badiso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close