Ibrahim Afellay oo heshiiska u kordhiyay kooxdiisa Stoke City

C55wswfWUAAq89X

(West Midlands), 02 Maarso 2017   –Iyadoo laacibka Khadka dhexe ee Ibrahim Afellay uu qandaraaskiisu dhammaanayo bisha June ee soo socota ayaa waxa uu heshiis cusub oo laba sanadood ah u kordhiyay kooxdiisa Stoke City ee waddanka Ingiriiska.

Afellay oo 30 jir ah ayaa waxa uu 53 kulan u saftay xulkiisa Holland isagoo horey ugu soo ciyaaray kooxaha Eindhoven, Barcelona iyo Schalke 04, waxaana uu Ingiriiska yimid Bishii July 2015.

Ibrahim Afellay ayaa dhaawac jilibka ah kaga maqnaa kooxdiisa Stoke isagoo ku soo laabtay dhammaadkii bishii December ee sanadkii tegay, waxaana haatan uu sii joogi doonaa naadigiisa Stoke.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close