Guardiola oo kula dagaalamaya Jose Mourinho saxiixa Lindelof

victor-lindelof-benfica_uwj4bcin09vs1h95pxntne6s9

(Manchester) 02 Mar 2017. Manchester City waxa ay diyaar u tahay in ay United kula loolanto saxiixa Victor Lindelof, sidaas waxaa qortay O Jogo.

Red Devils ayaa u muuqatay in ay la wareegtay daafaca lagu qiimeeyo £38 million bishii Janaayo, laakiin heshiiska ayaa bur buray.

Sida la fahansan yahay dhinaca Jose Mourinho ayaa fursad kowaad iska leh xagaaga balse loolan ayey kala kulmi doontaa kooxo badan oo ay City ku jirto.

Pep Guardiola waxa uu Swedish-ka u arkaa in uu yahay mid ku haboon  falsafadiisa walow aysan caddeyn in uu xiddiga City ka door bidi doono Jose Mourinho.

Juventus, Inter, Roma, Paris Saint – Germain iyo Real Madrid ayaa wada doonayaa daafaca Benfica.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close