Goorma ayuu Luis Enrique qaatay go’aanka uu isku casilay, goormaase la magacaabayaa tababaraha cusub ee Barcelona????

barca

(Europe) 02 Mar 2017. Luis Enrique ayaa xalay ka dhawaajiyay inuu ka tagayo Barcelona marka uu dhammaado kal ciyaareedkan balse madaxa kooxda Barca ayaa sheegaya in xalay ka hor uu go’aankan qaatay.

Josep Maria Bartomeu ayaa sheeganaya in Enrique uu sanadkii la soo dhaafay qishay in xagaagan uu ka tagayo kooxda.

“Xagaagii wuxuu inoo sheegay in sanadkan uu noqon karayo kiisii ugu dambeeyay,” Bartomeu ayaa sidaa u sheegay Barca TV.

Luis Enrique

“Maalmo yar ka hor wuxuu inoo sheegay inuusan sii wadi doonin shaqada.

“Ma lihin inaan qiyaasno wax kale iminkana waa inaan diirada saarnaa mustaqbalka. Horyaalka wuu harsan yahay, kulanka PSG, Final-ka Copa del Rey, shaqo badan ayaa ina hortaala.”.

Madaxawaynaha kooxda oo sidoo kale sheegay goorta ay magacaaban doonaan tababare cusub ayaa yiri:

“Si digtoonaan leh ayaan u sii shaqeyn doonaa, 1-da bisha July waxaan ku dhawaaqi doonaa tababaraha cusub.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close