Ciyaaryahankii hore ee qaranka Somalia Ismaaciil Diyeeshe oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta kala shaqeenaya in la helo xididigo qarankeena anfaca+SAWIRRO

13295127_10154228365328970_384181199_n

(Muqdisho) 02 Mar 2017.Tan iyo bur-burkii dowladii dalkeenu ahaa waxaa sidoo kale bur buray awoodii qaranimo ee kubadda cagta balse waxaa moodaa in rag badan ay naftooda u hureen sidii ay u bad baadin lahaayeen qarankeena iyo kubadda cagta waxaana waayahahan socday qorsheyahaal lagu hor marinaayo awoodii qaranka iyada oo loo baahanyahay in la helo xiddigo awoodoodu sareeso kuwaasi oo ku kala daadsan adduunka dacaladiisa waxaana loo baahanyahay in Somalia la keeno oo qaranka lagu biiriyo xiddigaha dhalashada soomaaliya haysta ee ka dheesha Yurub.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta qaybtiisa warfaafinta iyo maamulka sare ee xiriirka ayaa ii sheegay in Xiddigii hore ee qaranka Soomaaliya Ismaaciil Maxamed Cumar (Diyeeshe)oo ku nool yurub uu xiriirka kala shaqeenaayo sidii loo heli lahaa xiddigo tayo leh oo qaranka u qalma kuwaasi oo ka dheela qaaradaasi waxaana ay joogaan kooxaha ugu waa wayn yurub balse waxaa ay waayeen xiriir kaga yimaada qaranka waxaana howshaasi qaban doona rag uu ku jiro Ismaaciil Diyeeshe oo aad u kala yaqaana xiddigaha Soomaalida ah ee kooxaha yurub ka dheesha.

“ASC, salaan kaddib walaal adiga qof la yaqaano oo lagu xisaabtamayo ayaa tahay. Intaa kaddib sidii uu ismaaciil Diyeeshe kuu sheegay qarankaaga ayaa kuu baahan waxaana kale oo lagaa rabaa In wixii ciyaartoy wanaagsan ah oo aad taqaanid aaad keentid qaranka oo cayaaraha ugusoo horeeyay yeelan doono. Wixii kale ee macluumaad ah inta ka horeysa ayaan sii wdaagi doonaa. Mahadsanid”. Sidaa waxaa yiri  Xasan Maxamed Maxamuud Xoghayaha Guud ee xiriirka.”

“Runtii waxaa la fiiriyay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay, aqoonteyda, waaya-aragnimadeyda xaga maamulka iyo kartida iyo waxqabadkeyga iyo weliba inan ahay shaqsi kasoo bixi kara xilkii le dhiibo, iyo xerirka weyn an la leeyahay cayaartoyda dibada iyo dalka nagawada dheexeyo xerir weyn iyo qadarinta ee ii hayaan cayaartoyda dhan,” Diyeeshe ayaa sidaa ku warmay mar uu la hadlayay idaacada ciyaaraha ee Gool FM.
Wuxuuna hadalkiisa ku daray:

“Markii aan ku gualeystaay in cayaartoyda provisional ah ee xirirka ku warejiyeen email kooda iyo tell fanadoda in ee waqtikasta diyaar yihiin ayaan waxan ku guleystaay wada hadal xerirka iyo macalaminta ajanibta ah iyo macalamiin somali aah intaba wan ku guleystay inan dhameeyo. Cabdiqani wuxu la hadlay aniga aan ku xiray macalamiin iyo cayaartoyda. 2016 wixi an qabtaay oo cadeen aah “

“Anigo howsheeda ayaa ah inaan dhalinyarada ku dhirigeliyo in ee matalaan qarankeena Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan kusoo guryo-noqday xirfadaydii isla markaana aan la shaqeeyo Xerirka kubadda cagta delkeyna, inshallah waxaan balanqaaday in an la shaqeyn doono qof walba oo jecel horumarinta isboortiga dalka iyo dibadda, sidii loo heli lahaa dhalinyara meteli karta xulka qaranka Somaliya.”

 Yeelkeede, Xulka qaranka Soomaaliya ayaa waxaa uu u baahanyahay xiddigo tayo wanaagsan leh kuwaasi oo guulo ka keeni kara tartamada ay ka qayb galayaan waxaana aad loo dhaliilayay siyaasada xulka ee sanadihii dambe oo guulo aan keenin waxaana uu xiriirka haatan raadinayaa xiddigaha soomaalida ah ee Yurub  ka dheesha in ay kusoo biiraan qaranka.
W/D:Cabdullaahi Xasan Baliil
3-79 702795_10153921952473970_735100612_n 13295127_10154228365328970_384181199_n 13405124_10154262410418970_603117870_o 13405596_10154262496538970_1243871869_o 13414043_10154262410428970_1307791110_n 13414658_10154262410398970_387023820_n 13434224_10154262496533970_910190791_n 13444311_10154262410463970_69451511_n 14354976_10154556233443970_1797301995187241994_n 14590383_10154627748763970_8186447563162147746_n 15225391_10154788431363970_452933688_o 15240109_10154788431423970_280421659_n 15271184_10154788431033970_1682770891_o 15281809_10154788431103970_1056778142_n 15293345_10154788431038970_93890993_o 16777013_10155065545478970_305080867_o 16804704_10155065544628970_297303900_o 17022354_10155100349508970_8915833594566817482_n 17077835_10155100270683970_1217232552_n
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close