Aubameyang “Ma doonayo mar dambe inaan ka hadlo Real Madrid waayo hadal aan horey u iri ayaa qal qal geliyay mustaqbalkayga”

1488464431_823793_1488465133_sumario_normal

(Dortmund), 02 Maarso 2017   –Dhaliyaha kooxda Borussia Dortmund ee waddanka Jarmalka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shaaca ka qaaday in uusan mar dambe ka hadli doonin wararka la xiriirinaya inuu u wareegi doono kooxda Real Madrid ee Spain.

Aubameyang oo sidoo kale Weerarka uga ciyaara Gabon waxa uu xusay in wareysi uu hadda ka hor kaga hadlay wada hadallada kooxda Real Madrid ku doonayso inay kagala soo wareegto Dortmund uu qalqal geliyay mustaqbalkiisa naadiga Jarmalka, sidaa awgeedna uusan doonaynin in mar kale amuurtaasi uu faraha la galo.

“Ma garanayo, waxaan haatan diiradda saarayaa xilli ciyaareedkan, mana doonayo in aan ka fikiro wixii intaa dhaafsiisan xilliga haatan la joogo” ayuu Aubameyang oo 27 jir ah u sheegay ‘DAZN’.

Goor sii horreysay Agaasimaha kooxda Dortmund Michael Zorc ayaa Aubameyang ku amray in uu diiradda saaro ciyaarihiisa oo uusan ka hadlin arrimo la xiriira mustaqbalkiisa iyo kooxda Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close