Arsene Wenger marka uu ka soo tago Arsenal waxa uu doonayaa inuu leyliyo kooxdan….

madrid

(London) 01 Maarso 2017. Arsene Wenger ayaa iska diiday dalab kaga yimid Shiinaha uu ku noqon lahaa tababaraha ugu mushaarka badan adduunka xilli uu mugdi badan ku jiro mustaqbalkiisa Arsenal.

Waxaa la warinayaa iminka in Wenger uu doonayo inuu qabto xilka Real Madrid haddii uu ugu dambeyn go’aansado inuu ka soo tago Gunners.

Haddii uu soo afjaro 20-kii sano uu ku fadhiyay jagada macallinimo ee kooxda reer London waxa uu door bidi doonaa shaqda sare ee kooxda Real Madrid sida ay warineyso jariiradda the Telegraph.

Arsene Wenger is reportedly keen on Real Madrid if he leaves Arsenal

Laakiin fursada uu 67-jirka ku qaban karo shaqadaas ayaa ah mid aad u fog iyadoo uu Zidane iska aamusiyay kuwa shakiga ka qabay inuu ka soo bixi karo xilka Real Madrid iyadoo uu iminka heysto heerka guulaha 72.73% ee ugu sarreeya taariikhda tababarayaashii soo maray Los Blancos.

Real Madrid ayaa hogaanka La Liga hal dhibic uga heysa Barcelona iyadoo uu weliba kulan baaqi u yahay sidoo kalena 3-1 ayay uga soo adkaatay Napoli lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Sikastaba, Wenger ayaa la filayaa inuu heshiis cusub oo labo sano ah u saxiixo Arsenal bisha Abriil ama May.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close