Pogba oo tii dheereed lagu dhigay…(Dagaal ayuu halis u galay kaddib SAXAN lagu soo tuuray!!)+MUUQAAL

pogba

(Manchester) 28 Feb 2017. Taageerayaal careysan ayaa weeraray laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka oo xitaa saxan ku soo tuuray kaddib markii uu u diiday saxiixiisa xilli ay maqaaxi ku wada suganaayeen.

The Sun ayaa sheegtay in usbuucii la soo dhaafay ay is qabteen taageeraal careysan iyo Pogba mar ay ku wada suganaayeen Indian curry house Akbar.

Jariirada ka soo baxda Ingiriiska ayaa qoreysa in laacibka reer France uu casho kula raaxeysanayay saaxiibadiisa isniintii kaddib markii uu saxiixiisa u diiday qaar ka mid ah taageerayaasha Man United oo goobta kula sugnaa.

Taageerayaasha careysan ayaa warkaasi ka dagi waayay iyagoo dagaal ku kiciyay Pogba kuna tilmaamay inuu xushmad dareeyay.

Haddii aysan ahaan lahayn ilaalada maqaaxida iyo saaxiibadiisa, Pogba iyo taageerayaasha ayaa gacmaha iskula tagi lahaa sida uu sheegayo goob jooge, iyadoo markii dambe Booliska loo yeeray.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close