Madaxweynihii kooxda Palermo Zamparini oo is casilay kaddib 15 sanadood oo uu 40 tababare marna keenayay marna ceyrinayay

zamparini1

(Palermo), 28 Feb 2017   –Madaxweynihii kooxda Palermo Maurizio Zamparini ayaa shaaca ka qaaday in uu ka degay xilkaasi 15 sanadood kaddib.

Zamparini oo 75 sano jir ah ayaa intii uu kooxda Palermo maalulayay waxa uu keenay 40 tababare oo isugu jiray mid uu xil u magacaabay iyo mid uu xilka ka dejiyay, iyadoo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo qura uu casilay saddex tababare.

Hoggaamiyaha cusub ee Palermo ayaa lagu sheegay inuu noqonayo nin ka tirsan wakiilladda shirkadda Anglo-American Fund Group, waxaana la soo magacaabi doonaa muddo 15 maalmood gudahood ah.

Zamparini waxa uu kursiga Palermo ku fariistay sanadkii 2002 xilligaas oo ay Serie B ku jireen, waxaana kaddib boos joogto ah ay ka noqdeen kooxaha Serie A-da.

Intii uusan Palermo qaban ka hor waxa uu Zamparini milkiile ka ahaa kooxda Venezia oo haatan muddo 15 sanadood ah ka ciyaareysa heerka 3’aad.

Palermo haatan waxay kaalinta 18′ kaga jirtaa kala sarreynta 20 kooxood ee Serie A-da iyadoo u baahan 7 dhibcood si ay uga bad baaddo Serie B 12 kulan ee u harsan.

40 Tababare ee uu Madixii Palermo keenay misna Eryay 15-kii sano ee la soo dhaafay.

40

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close