Liverpool oo xilka ka qaadday Agaasimeheedii Guud kaddib guuldarradii 3-1 ee Leicester City

Peter Moore
Peter Moore

(Liverpool), 28 Feb 2018   –Kooxda Kubadda Cagta Liverpool ee waddanka Ingiriiska ayaa kaddib guuldarradii qaraarayd ee ay xalay kala kulmeen kooxda Leceister City 3-1 waxa ay xilka ka qaadday Agaasimeheedii Guud Ian Ayre, iyadoo ku beddeshay Peter Moore.

Moore oo ku dhashay Magaallada Liverpool isla markaana 61 jir ah ayaa xilkiisan cusub la wareegaya Bisha June, waxaana uu kala wareegayaa Ayre oo 53 sano jir ah.

Peter Moore ayaa haatan ahaa Madaxa Shirkadda EA Sports ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi ka degay si uu kubadda cagta ugu soo biiro, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay shirkadda Microsoft, SEGA iyo Reebok, waxa uu Shahaadada Bachelor ka qaatay Jaamacadda Keele University ee Ingiriiska halka Shahaadada kale ee Master-kana uu ka helay Jaamacadda ‘California State University’.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close