Juventus oo 3-1 laqsiisay Napoli lugtii hore ee Nus dhammaadka Coppa Italia (Daawo Video +Sawirro)

C5yIR6bXEAEwfTx

(Turin), 01 Maarso 2017   – Camaaliqada Serie A-da Talyaaniga ee Juventus ayaa 3-1 kaga soo jeesatay kooxda Napoli oo gool la hor martay ciyaar xiiso gaar ah lahayd oo ka dhacday garoonka ‘J Stadium’ ee Torino taasoo ahayd lugtii hore ee Nus dhammaadka Coppa Italia.

Juventus ayaa aad u dadaashay markii ay gadaal ka soo laba kacleysay kaddib markii goolkii 1′ looga naxsaday daqiiqaddii 36′ kaas oo uu Napoli u dhaliyay Jose Maria Callejon, waxaana Bianconeri ay goolkaa kaga jawaabeen saddex gool.

Goolka hore daqiiqaddii 47′ ayaa Juventus waxaa u dhaliyay Paulo Dybala oo la siiyay gool ku laad (penalty), goolka 2′ waxaa Juventus u saxiixay Gonzalo Higuain daqiiqaddii 64′ halka goolkii ugu dambeeyay ee saddexaadna uu ahaa gool ku laad kale oo uu dhaliyay isla Paulo Dybala daqiiqaddii 69′.

Inkatoo dadka falanqeeya kubadda cagta ay tilmaamayeen in Garsoorihii ciyaartani dhex dhexaadinayay ee Valeri uu wax u muuqda haddiyad oo muran laga keenay u hibeeyay Juventus taasoo ahayd labada gool ku laad oo qaylo xoog leh ka soo yeertay.

Laakiin si kastaba Juventus oo hoggaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga iyadoo leh 66′ dhibcood waxa ay si xarago leh ula hoyatay 3 dhibcood ee kulankani, waxaana kulanka lugta labaad ee Coppa Italia la ciyaari doonaa 04 Bisha April.

Ciyaartoydii u kala safatay Juventus iyo Napoli kulankan:

Juventus: Neto; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Lichtsteiner (Cuadrado 46), Khedira, Pjanic, Asamoah (Alex Sandro 73); Dybala (Pjaca 84); Mandzukic, Higuain

Napoli: Reina; Maggio, Albiol, Koulibaly, Strinic; Rog (Pavoletti 82), Diawara, Hamsik (Zielinski 56); Callejon, Milik (Mertens 61), Insigne.

FG: Ciyaartoyda magacooda labada qoys () ku dhex jiro waa kuwa beddelka ku soo galay ciyaarta.

Gool FM

https://youtu.be/1VD8DPdIFG8

Photo published for Juventus 3:1 Napoli, vlerësimet e lojtarëve (FOTO)

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close