“Horey ayuu socod ka bilaabay weligiis ma guur-guuran.”. Drogba hooyadii oo ka sheekeysay mucjisooyin ay ku aragtay wiilkeeda

drogba

(Euroep) 28 Feb 2017. Haddii aad Drogba ku baratay uun garoomada kubbada cagta gaar ahaan Chelsea, hooyadii ayaa iminka bidhaamisay mucjisooyin ay yaraantiisa ku aragtay.

Didier Drogba ayaa ah rugcadaa Blues ah kaddib markii uu kula guuleystay Champions League, afar jeer Premier League, afar jeer FA Cup iyo waliba saddex jeer League Cups.

Laakiin xiddiga reer Ivory Costa hooyadii Clotilde ayaa daaha ka rogtay inuu geeri ku sigtay xitaa intii uusan dhalan iyadoo sheegtay inay 10-bilood uurka ku siday.

Hasayeeshee, waxay sheegtay in Drogba uu durba hormar ku sameeyay iyadoo uu socodka bartay markii uu 7-bilood jir uun ahaa.

https://i1.wp.com/lifebogger.com/wp-content/uploads/2016/11/

Drogba ayaa 18-kii bilood ee ugu dambeysay ku soo qaatay kooxda Montreal Impact ee ka ciyaarta horyaalka MLS.

Sanadkii 2004 ayay Blues uga soo iibsatay kooxda Marseille adduun dhan 24-milyan oo bound, sideed sano ayuu ku qaatay gegada Stamford Bridge, xilli ciyaareedkii 2014-15 ayuu markale dib ugu soo laabtay kaddib markii uu waqti ku soo qaatay Shanghai Shenhua iyo naadiga Galatasaray.

Wuxuu ku dhashay caasimadda Ivory Coast ee Abidjan bishii March ee 1978.

Sida caadiga ah dhallaanku wuxuu ku dhashaa 9-bilood, laakiin hooyada waa laga soo dhaliyaa canuga haddii uu labo usbuuc dhaafo waqtiga caadiga ah si loo bad-baadiyo nolosha hooyada iyo canugaba.

Caruurta ayaa caadi ahaan socodka ku barata 12-bilood ilaa 18-bilood, laakiin sida ay sheeganeyso Clotilde wiilkeeda Mucjisada ah ayaa socodka bilaabay markii uu 7-bilood jiray.

Didier Drogba with the Champions League trophy Chelsea won in 2012

“Markii aan uurka ku siday Drogba waxaan dhaafay waqtigeyga dhalmada, 10-bilood ayaan waday inta uusan dhalan ka hor,” Clotilde ayaa sidaa u sheegtay TV laga leeyahay Ivory Coast.

“Laakiin wuu soconayay markii uu 7-bilood jir ahaa, weligii afrarta kuma uusan guur-guuran.”.

Drogba hooyadii ayaa kol hore sheegtay inay wiilkeeda u bixisay naaneysta Tito iyadoo ku samisay madaxwaynihii Yugoslav Marshal Josip Tito kaa oo ay aad ula dhacsanayd.

Waalidka Drogba ayaa France u diray inankooda isagoo 5-jir ah si uu ula noolaado adeer ah xirfadle kubbada cagta oo lagu magacaabo Michel Goba.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan. (Black Yare.)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close