Blues oo xalay daawanaysay bandhigga Andrea Belotti

(London) 28 Feb 2017 – Kooxda Chelsea ayaa u kuurggeleysa laacibka Andrea Belotti oo xalay 2 gool ka dhaliyay kulankii ay 2-2 kula galeen Fiorentina.

Kulankan oo Granata 2-0 la geeyay ayuu laacibkani ka xiddigeeyay isagoo 2 gool dhaliyay, weliba rigoore khasaariyay kahor goolashiisa.

Maanta, Tuttomercatoweb ayaa qoraya in Chelsea ay garoonka Florence u joogeen sahmiyayaal indha indheeynayay laacibkan caalamiga ah ee reer Talyaani oo ilaa haatan 19 gool dhaliyay.

Yeelkeede, rakhiis kuma iman doono waayo waa inay Blues bixisaa ku dhowaad 100 milyan oo euro oo ah lacagta lagu fasiqi karo qandaraaska laacibkan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close