Banaadir oo sii dheereysatay hogaanka horyaalka Soomaaliya kaddib markii ay isku garab dheceen Jeenyo iyo Elman…+SAWIRRO

(Muqdisho) 28 Feb 2017. Naadiga Banaadir ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka Soomaaliya kaddib markii ay isku garab dheceen kooxaha Elman iyo Jeenyo.

Jeenyo iyo Elman ayaa kulan adag ku dhex maray gegada Banaadir iyagoo isla dhaafi waayay 1-1.

Elman ayaa goolka la hormartay oo waxaa qeybtii hore madax qurxoon u dhaliyay dhaliyahooda Niyanzi Ronaldo.

Shaarkeey ayaa goolka u bar-bareeyay Jeenyo markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, goolka ayaana ahaa kii afaraad uu ka dhaliyo horyaalka soomaaliya xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Banaadir ayaa 2-1 ku martay Gaadiidka kulan ka dhacay garoonka Jamaacadaha iyadoona sii dheereysatay hogaanka horyaalka.

Selenga Motaya ayaa goolka uga naxsaday Banaadir balse intaan qeybta koowaad la marin waxaa u bar-bareeyay Marcel Samson.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad isla Marcel Samson ayaa goolka labaad u dhaliyay kaa oo rigoore ahaa.

Banaadir oo aan marna laga adkaan 28-kulan tan iyo xilli ciyaareedkii hore ayaa iminka horyaalka ku hogaamineysa 16-dhibcood waxaana ku soo xiga Elman oo leh 13-dhibcood.

SAWIRRO:

IMG_0020 IMG_0022 IMG_0024 IMG_0025 IMG_0031 IMG_0032 IMG_0033 IMG_0034 IMG_0039 IMG_0040 IMG_0042 IMG_0043 IMG_0046 IMG_0047 IMG_0056 IMG_0059 IMG_0088 IMG_0090 IMG_0094 IMG_0097 IMG_0098 IMG_0120 IMG_0124 IMG_0125 IMG_0139

IMG_0135 IMG_0141 IMG_0142 IMG_0144 IMG_0145 IMG_0146 IMG_0147 IMG_0149

SAWIR QAADE: Cabdifitaax NANI.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close