AC Milan oo qandaraaska u kordhinaysa Tababareheeda Vincenzo Montella

Montella.0

(Milan), 28 Feb  2017   –Milkiileyaasha cusub ee kooxda AC Milan ee u dhashay Shiinaha ayaa la sheegayaa in ay heshiiska u kordhinayaan tababaraha naadiga ee Vincenzo Montella.

Inkastoo Montella uu natiijooyin fiican u horseeday kooxda Milan ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Silvio Berlusconi uusan ku faraxsanayn in qandaraaska loo cusbooneysiiyo tababarahan, laakiin waxa uuba iibinayaa guud ahaan naadiga iyadoo kala wareegsiga iibka Milanna uu dhameystirmi doono Jimcaha sida laga soo xigtay ‘Gazzetta dello Sport’.

Montella ayaa la filayaa in heshiiska loo kordhiyo muddo sanad ah, iyadoo isla markaasina loo kordhin doono mushaarka uu haatan qaato ee €2.3 Milyan oo Euro sanadkii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close