Yaya Toure “Waan sii wadan doonaa ciyaarta kubadda cagta ama gudaha ayaan ka sii dheeli doonaa ama dibadda”

1924646-40488405-2560-1440

(Manchester), 27 Feb  2017  –Xidigga afarta jeer ku guuleystay Laacibka ugu fiican Qaaradda Afrika ee u dhashay waddanka Ivory Coast Yaya Toure ayaa shaaca ka qaaday in uu sii wadan doono ciyaarihiisa kubadda cagta waloow haatan uu 33 sano jir yahay.

Toure ayaa qanadaraaskiisa Manchester City ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana mar uu mustaqbalkiisa ka hadlayay uu yiri “ma garanayo waxa dhici doona xilli ciyaareedka dambe, iskumana mashquulinayo, waxaan haatan ka fikirayaa oo keliya inaan la sii ciyaaro saaxiibadeyda, wax walba waxay ku xiran yihiin jihada waxayna u badan tahay inaan heshiiska kordhin doono, hadda waxaan iraahdo ma garanayo, waxaan isku dayayaa in aan intii karaankeyga ah Koobab u soo xareeyo taageerayaasha Man City.

Kooxda Manchester City waxay kaalinta 3′ kaga jirtaa kala sarreynta naadiyada Horyaalka Ingiriiska waxaana 11 dhibcood ka hooseysaa kooxda hoggaanka haysa ee Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close