PSG waxay qorsheynaysay in Di Maria ay ka iibiso Shiinaha ka hor wacdarihii uu ku dhigay Barcelona

nintchdbpict0003018974291

(Paris), 27 Feb  2017    –Sida uu qoray Wargeyska ‘The Sun’ ee ka soo baxa Ingiriiska waxaa mas’uuliyiinta Paris Saint German ee Faransiisku ay qorsheynayeen in ay ciyaaryahan Angel Di Maria ka iibiyaan Horyaalka Shiinaha ka hor wacdarihii uu ka dhigay lugtii hore ee wareegga 16′ ee Koobka Horyaallada Yurub ciyaartii ay PSG 4-0 ku xasuuqday Barcelona.

Wararku waxay sheegayaan in PSG ay u sheegtay Wakiilka Di Maria, Jorge Mendes in uu laacibka u bandhigo suuqa kooxaha Bariga Fog, waxaana Di Maria soo codsaday kooxo kala duwan oo ka dheela horyaalka Shiinaha.

Wargeyska ‘L’equipe’ ayaa sidoo kale qoray in Di Maria uusan ku faraxsanayn isla markaana ka carooday in isagoo aan fasax la weydiisan amar lagu bixiyo in la iibiyo.

Si walba ha ahaatee tababaraha PSG, Unai Emery ayaa aad ugu farxay qaabkii wanaagsanaa ee uu u ciyaaray Di Maria kulankii Barcelona isla markaana ay ceeb iyo jab kaga raacsiiyeen Lionel Messi iyo saaxiibadiisa, waxaana taasi ay keentay in PSG ay sii ceshato Di Maria iyadoo aysan ula muuqan in uu ku habboon yahay in la iibiyo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close