”Lama yaabani bandhigga cajiibka ah ee Manolo Gabbiadini”

(London) 27 Feb 2017 – Wakiilka Manolo Gabbiadini ayaa ku adkaysanaya inuu filayay in qannaaskii hore Napoli “uu hawada geli doono marka uu tago Ingiriiska” isagoo ula jeeda bandhigga laacibka ee Southampton.

Gabbiadini oo £17m suuq-jiilaalkii Napoli uga soo wareegay isla markaana 3 kulan uun ilaa haatan saftay ayaa 5 gool u dhaliyay Southampton isagoo 2 gool ku lahaa kulankii shalay ee EFL Cup final, tiiyoo ay jirto in Saints lagu tumay 3-2 iyadoo ay koobkii qaadatay Manchester United.

“Waan filayay in Manolo uu ku qarxi doono England,” ayuu yiri Silvio Pagliari oo la hadlayay Sport Mediaset.

“Wuxuu yeeshay saamayn aad u wayn, aad baana ugu faraxsanahay. Maxaa Napoli iska bedeley? Lafteedu ma xumayn oo wuu fiicnaa 6-dii bilood ee ugu dambeeyay.” ayuu raaciyay Pagliari.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close