Juventus oo xagaaga u xusul duubaysa xiddigga soo baxaya ee Federico Bernardeschi

(Torino) 27 Feb 2017 – Juventus ayaa la sheegay inay xagaaga xiisanayso Fiorentina garab-weerarka Federico Bernardeschi, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxda Bianconeri ayaa horay u doonaysay kaaliyaha weerar Sassuolo ee Domenico Berardi, balse caddadkii maanta ee warsidaha La Stampa ayaa sheegaya in Bernardeschi uu haatan kaalinta kala baxay Berardi marka ay timaaddo laacibiinta ay xagaaga bartilmaameedsanayso.

Laacibkan 23-jirka ah ayaa lambarka 10-aad uga dheela kooxda Viola, iyadoo la sheegayo in xiisuhu uu haatan u weecday wiilkan, balse waxaa ku sheegayaa in hardan la geli doonaan kooxaha Milan, Inter iyo Chelsea, si ay u helaan wiilkan Carrara ku dhashay.

Bernardeschi ayaa dunida todobaadkii tegey uga yaabsaday gool ku laadkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay Borussia Monchengladbach waloow uu caawa fiidkii ka maqan yahay kulanka Fiorentina iyo Torino isagoo anqawga wax ka qaba.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close