Antonio Conte oo MAQAAXI ka furanaya London

conteee

(London) 27 Feb 2017. Warar dhawaan ka soo ifbaxay Talyaaniga ayaa tibaaxaya in Antonio Conte ay ku dhacday dal-tabyo isla markaana uu diyaar u yahay inuu si dhaqsi leh ugu laabto dalkiisa Talyaaniga iyadoo naadiga Inter Milan ay dooneyso inay ka dhigato tababaraheeda cusub.

Balse waxaa iminka soo ifbaxaya war midkaa ka duwan iyadoo la warinayo in Conte uu qorsheynayo inuu waqti dheer la sii joogo Chelsea iyadoo uu xitaa qorsheynayo inuu Maqaaxi ka furto magaalada London.

Yeelkeede, The Sun ayaa fahansan in macallinka reer Talyaani uu doonayo inuu caasimada Ingiriiska keeno maqaaxi la mid ah midka walaalkiisa Daniele taa oo ku tusinaysa qorshihiisa inuu waqti dheer sii joogo London.

Daniele Conte's One Apple Concept Bar & Restaurant in Turin
Waa Maqaaxida uu Conte walaalkii ku leeyahay Talyaaniga

Antoino Conte walaalkii Daniele Conte ayaa maqaaxi caalami ah ku leh magaalada Turin taa oo caan ku ah mac-macaanka iyo cabitaanada cocktails.

Laakiin macallinka Chelsea ayaa iminka qorsheynaya inuu qeyb kale furo isagoo u isticmaalaya joogitaanka walaalkiis magaalada London fursad uu ku sii ballaarinayo magaciisa uuna maqaaxi kale ka furo London.

47-jirka ayaa iminka ku riyoonaya inuu London ka dhigto guriisa labaad iyadoo uu ku raaxeysanayo nolosha Ingiriiska wuxuuna rajeynayaa inuu waqti dheer sii joogo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close