RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii final-ka League Cup ee kooxda Man United ay ka qaaday Southampton

C5nM4jxXEAABBg3

(London) 26 Feb 2017 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa markeedii shanaad ku guuleysatay League Cup kaddib markii ay garoonka Wembley kooxda Southampton, kulan ay isku jawaabeen Zlatan Ibrahimovic iyo Manolo Gabbiadini.

Man United ayaa kulankan ku badisay 3-2, waxaana labo ka mid ah goolashaa u dhaliyey Ibrahimovic, halka goolka kale uu u dhaliyey Jesse Lingard.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

C5nSCSqXMAAoynF

>- Ibrahimovic ayaa dhaliyey 89 gool 100-kii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray heerkiisa kooxaha.

>- Jose Mourinho ayaa markiisii afaraad ku guuleystay League Cup, wuxuuna sidaas ku barareeyey Brian Clough iyo Sir Alex Ferguson oo koobkan dhankooda ku guuleystay min afar jeer.

>- Waxa uu ahaa koobkii 24-aad oo uu tababare Jose Mourinho ku guuleysto xirfaddiisa.

C5nWsXaWcAAzPH7

>- Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyey lix gool shantii final ee koobabka maxaliga ah ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray, (micnaha koobabka laga dhigo dalalka uu kasoo ciyaaray).

>- Ibrahimovic haatan waxa uu ku guuleystay 30 Koob intii uu ciyaaraha ku jiray marka laga saaro laba Koob oo Serie A-da Talyaaniga ah oo laga celiyay kooxda Juventus.

C5nITmkXMAArcd7

>- Manolo Gabbiadini ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee labo gool final-ka League Cup kaga dhaliya Manchester United, kaddib Dean Saunders.

>- Manolo Gabbiadini ayaa noqday ciyaaryahankii afaraad ee reer Talyaani ee gool ka dhaliya final-ka League Cup, kaddib Ravanelli, Di Matteo iyo Borini.

>- Jesse Lingard ayaa gool dhaliyey mid kasta oo ka mid ah saddexdii kualn ee ugu dambeeyey oo uu ku ciyaaray garoonka Wembley, isagoo xiran maaliyadda Manchester United.

>- Jesse Lingard ayaa hadda gool ka dhaliyey final-ka FA Cup, final-ka League Cup iyo Community Shield.

>- Manchester United ayaa ku guuleysatay koobka afartii final ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay League Cup, waana :-

2006 vs. Wigan 🏆

2009 vs. Spurs 🏆

2010 vs. Aston Villa 🏆

2017 vs. Southampton 🏆

>- Man United ayaa ku guuleysatay koobkeedii 42-aad, waxaana ay sidaas uga sare martay Liverpool oo haysatay rikoodhka kooxda ugu guulaha badan Ingiriiska (41 koob).

Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxaha ugu guulaha badan tariikhda Ingiriiska iyo koox waliba inta koob oo ay ku guuleysatay:-

Manchester United (42)

Liverpool (41)

Arsenal (29)

Chelsea (21)

Aston Villa (20)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close