Man United oo markeedii shanaad ku guuleystay League Cup, kaddib markii ay garoonka Wembley ku garaacday kooxda Southampton… + SAWIRRO

(Lodnon) 26 Feb 2017 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa markeedii shanaad ku guuleysatay League Cup kaddib markii ay garoonka Wembley kooxda Southampton, kulan ay isku jawaabeen Zlatan Ibrahimovic iyo Manolo Gabbiadini.

Southampton ayaa laga diiday gool ay dhalisay waxaana garsoorku uu sheegay inuu ahaa garab dhaaf ama offside.

Man United ayaa goolka la horreysay waxaana laad xor ah oo toos ah shabaqa gaarsiiyey 19’daqiiqo Zlatan Ibrahimovic, kaddib qalad lagu galay Ander Herrera, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0 looga gacan sarreeyey Southampton.

Goolka labaad ee Man United ay kulankan dhalisay ayaa yimid waxaana 39’daqiiqo u dhaliyey Jesse Lingard, kaddib baas uu ka helay Rojo, isagoo ku jira xerada ganaaxa kulanka ayaan sidaas ku noqday 2-0 ay gacanta sare ee kulanka ku lahayd Man United.

Dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta Southampton ayaa hal gool iska soo guday waxaana u dhaliyey Manolo Gabbiadini, kaddib markii uu lugaha De Gea ka dhex dusiyey kubbad dadab laga soo qaaday kulanka ayaana lagu kala nastay 2-1 ay hoggaanka ciyaarta ku haysay Man United.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Southampton ayaa goolka barbaraha la timid waxaana markale u dhaliyey 49’daqiiqo Manolo Gabbiadini, kaddib kubbad uu la dhex laaday difaacyada Man United dhexdooda goolhaye De Gea ayaana filanaynin kubbadaas lagu soo tuuray kulanka ayaana sidaas ku noqday gar isku mid ah 2-2.

Southampton ayaa ku dhowaatay inay hoggaanka u qabato ciyaarta waxaana kubbad la soo karoosay madaxeeyey oo birta Man United ugu dhuftay xiddiga Southampton No 14.

Man United ayaa la timid goolka ay guusha ku qaadatay waxaana madax kale u dhaliyey 87’daqiiqo Zlatan Ibrahimovic, kaddib markii uu madax ku dhaliyey karoos miisaaman oo uu soo qaaday Ander Herrera, Man United ayaana koobka ku qaaday 3-2.

Jose Mourinho kooxdiisa waxa ay sidaas ugu guuleysteen koobkii labaad xagaagan maadaama ay horay u hanteen FA Community Shield.

SAWIRRO:

3DB4A13B00000578-0-image-a-45_1488126551132

3DB4F0EF00000578-4261694-image-m-103_1488130522703

3DB4FFDE00000578-0-image-a-65_1488128464320

3DB5BECB00000578-4261694-image-a-154_1488133405148

3DB5E1BF00000578-4261694-image-a-207_1488135239117

3DB5E9F300000578-4261694-image-a-182_1488134803059

3DB60EA700000578-4261694-image-a-218_1488136123664

3DB612A300000578-4261694-image-m-121_1488141037618

C5m9vYKXEAAIVYe

C5m49WaWUAIbXq9

C5m49WYXMAAgq2Y

C5m49XLWQAAkvNf

C5nER_NWgAAlsVv

C5nHEVoWYAEfjm0

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close