“Ma aanaan xaqiijin ku guulaysiga horyaalka” – Fabregas

(London) 26 Feb 2017 Kubadd abuuraha kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa cadeeyay in kooxdiisu aysan wali ku guulaysan Premier League xiliciyaareed kan.

Chelsea ayaa shalay 3-1 uga adkaatay kooxda Swansea City taas oo ka caawisay inay gaaraan 63 dhibic iyaga oo sii dheereystay farqiga dhibcaha ay hogaanka ku haayaan.

Cesc Fabregas ayaa aaminsan in kooxdiisu aysan wali xaqiijin ku guulaysiga horyaalka, wuxuuna hadalkaas ku raacay tababarihiisa Antonio Conte.

“Waxaan ciyaari doonaa ilaa dhamaadka kulanka 38-aad, si lamid ah kooxaha kale ee ciyaaraya horyaalka” ayuu yiri Cesc Fabregas.

“Waqtigaan aad ayaan u fiicanahay, laakiin sidii uu sheegay tababaruhu wali ma aanaan xaqiijin ku guulaysiga horyaalka, wado dheer ayaa noo dhiman wali”.

“Waa inaan ilaashanaa guusha kulan walba, waayo guushu waxay nasiinaysaa kalsooni badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close