AC Milan oo guul ka soo gaartay kooxda Sassuolo oo ay booqatay iyo kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Serie A… + SAWIRRO

(Milano) 26 Feb 2017 – Kooxda AC Milan oo xusul duub ugu jirta sidii ay uga mid noqon lahayd afarta sare ee horyaalka Serie A ayaa guul ka soo gaartay naadiga Sassuolo oo ay booqatay.

Milan ayaa 1-0 ku garaacday Sassuolo, waxaana goolkaas qura gool ku laad ugu dhaliyey 22’daqiiqo Carlos Bacca, inkastoo kooxda Sassuolo uu rigoore ka khasaariyey Domenico Berardi bilowgii ciyaarta.

Kooxda AC Milan ayaa sidaas ku soo qaadatay saddexda dhibcood ee kulankan oo kaarar badan oo digniin ah la bixiyey, waxaana Milan ay hadda ku jirtaa kaalinta 7-aad iyadoo leh 47-dhibcood.

Kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Serie A maanta oo iyagana ay natiijooyin kala duwan ka soo baxeen:-

Palermo 1 – 1 Sampdoria

ChievoVerona 2 – 0 Pescara

Crotone 1 – 2 Cagliari

Genoa 1 – 1 Bologna

Lazio 1 – 0 Udinese

Sassuolo 0 – 1 AC Milan

SAWIRRO:

C5mljEWWAAIQIHE

carlosbacca-cropped_lafbo4v3eh7m12sn3lov0whis

Carls

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close