Samir Handanovic oo sii joogaya Inter xitaa haddii aysan u soo bixin Champions League

(Milan) 25 Feb 2017 Goolhayaha kooxda Inter Milan ee Samir Handanovic ayaa meesha ka saaray inuu ka tagayo kooxdiisa suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kan.

32 jirkaan ayaa lala xiriiriyay kooxaha Manchester City iyo Liverpool kadib markii uu dhawaan iska badalay wakiilkiisa.

Samir Handanovic ayaa sheegay in maalina uusan ka shalaayin ku biiridiisii Inter, wuxuuna cadeeyay inuu sii joogayo xitaa haddii aysan u soo bixin koobka horyaalada yurub.

هاندانوفيتش مستعد للتضحية بدوري الأبطال من أجل الإنتر

“Maalina kama shalaayin ku biiridaydii Inter, laacib walba wuxuu ku riyoodaa inuu xiriir ka helo iyaga, markii aan joogay Udinese, waxay ahaayeen koox cajiib ah waxayna ku guulaysteen wax walba, walina waa mid kamid ah shanta ilaa lixda koox ee ugu fiican aduunka” ayuu yiri Samir Handanovic.

“Waan sii joogi doonaa Inter xitaa haddii aanaan u soo bixin Champions League, inkasta oo aanaan ka rajo dhigin wali fursadaas”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close