RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii ay Chelsea guusha ka gaartay kooxda Swansea City, kuna dheereysatay hoggaanka Premier League

 C5hberQWQAEn21c

(London) 25 Feb 2017 – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay 3-1 ku garaacday naadiga Swansea City oo marti ahayd, waxaana ay ku qabatay hoggaanka horyaalka 11-dhibcood inkastoo Man City oo ku soo xigta uu kulankeedu baaqi u yahay.

Blues waxa ay saddexda gool ee kulankan ka kala heshay Fabregas 19’daqiiqo, Pedro 72’daqiiqo iyo Costa 84’daqiiqo, halka Swansea uu goolka qura u dhaliyey kulankan Llorente 45’daqiiqo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Kooxda Chelsea ayaa hadda guul gaartay 12 kulan oo xiriir ah oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartammada oo dhan.

>- Kaliya Ryan Giggs (162) ayaa sameeyey caawin ka badan Premier League Cesc Fabregas oo horyaalka Ingiriiska ka sameeyey 102 gool caawin, isla markaana la sintay Frank Lampard.

>- Cesc Fabregas ayaa kulankan noqday Spanish-kii ugu horreeyey ee 300 oo kulan safta horyaalka Premier League, isagoo rikoorkaas gool ugu dabaal dagay.

>- Diego Costa ayaa siddeed gool ka dhaliyey shan kulan oo uu Premier League ka hor tagay Swansea City, waana in ka badan kooxaha kale.

>- Markii ugu dambeysay Swansea oo ay guusha kaliya horyaalka ku soo gaartay garoonka Stamford Bridge waxa ay ahayd sanadkii 1925-kii.

>- Ma jiro ciyaaryahan kaga caawin badan horyaalka Premier League Gylfi Sigurdsson oo horyaalka ka sameeyey xilli ciyaareedkan 9 gool caawin, isla markaana la sintay Kevin De Bruyne.

>- Pedro ayaa ku lug yeeshay 9 gool sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey oo uu Chelsea u ciyaaray tartammada oo dhan, 6 gool waa uu dhaliyey halka 3 gool uu caawiyey.

>- Kooxda Swansea City ayaa laga dhaliyey goolsha ugu badan horyaalka xilli ciyaareedkan waana 57 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close