Real Madrid oo badalka Isco ka raadinaysa Bayern Munich balse tilaabadaas ma ahan mid farxad galinaysa Barcelona

(Madrid) 25 Feb 2017 Kooxda Real Madrid ayaa Bayern Munich ka raadinaysa badalka kubadd sameeyaha reer Spain ee Isco kaas oo lala xiriiriyay inuu katagi doono dhamaadka xiliciyaareed kan.

Real Madrid ayaa qorshaynaysa inay Laliga dib ugu soo celiso laacibkii hore ee Barcelona Thiago Alcantara sida ay baahisay shabakada Don Balon.

Barcelona ayaa xili hore isku dayday in Thiago Alcantara ay dib ugu soo celiso Spain laakiin Real Madrid ayaa haatan go’aansatay inay ku garaacdo saxiixiisa.

Image result for Thiago Alcantara Real Madrid

Thiago Alcantara ayaa lala xiriiriyay kooxda Manchester City oo uu haatan hogaamiyo tababarihiisii hore ee Pep Guardiola laakiin wadahadaladii uu ugu biiri lahaa City ayaa burburay.

25 jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxdiisa Bayern Munich xiliciyaareed kan, Real Madrid ayaana ka dhiganaysa badalka Isco..

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close