Macallin Mourinho iyo xiddigiisa Man United oo u saftay magaalada London ka hor kulankooda Final-ka League Cup… + SAWIRRO

(Manchester) 25 Feb 2017 – Tababare Jose Mourinho iyo xiddigaha kooxdiisa Manchester United ayaa u safray magaalada London ka hor kulankooda final-ka League Cup oo ay habeen dambe 7:30 xilliga Muqdisho la ciyaari doonaan naadiga Southampton.

Xiddigaha Man United ee u safray magaalada London kuwaasoo isku diyaarinaya kulanka habeen dambe ka dhici doona garoonka Wembley ee final-ka League Cup, waxaa laga dhex waayey laacibka reer Spain ee Jaun Mata, inkastoo aan wali la shaacin sababta.

Henrikh Mkhitaryan ayaa seegi doona final-ka League Cup, kaasoo uu dhaawac muruqa ahi uu soo gaaray kulankii lugta labaad ee Europa League, laakiin kabtanka Man United ee Wayne Rooney ayaa ka mid ahaa xiddigaha u safray London, waxaana la filayaa inuu ciyaaro kulanka final-ka League Cup.

Macallin Jose Mourinho ayaana horay u shaaciyey in dhaawaca Mkhitaryan ay fursad u tahay Rooney.

SAWIRRO:

1

2 3 4

5 6 7

8 9 10

11 12 13

14 15

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close