Diego Simeone oo amaanay Barcelona ka hor kulankooda Barri

(Madrid) 25 Feb 2017 Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa amaanay kooxda Barcelona oo barri ay marti qaadi doonaan kulan ka tirsan horyaalka.

Diego Simeone ayaa sheegay in Barcelona ay tahay koox awood badan isla markaana aysan ahayn inaan lagu qiimayn kaliya hal kulan oo uu ula jeeday kulankii PSG.

Tababaraha reer Argentina ayaa intaa ku daray in Luis Enrique uu kooxda u qaaday 8-koob sanadihii yaraa ee uu joogay, wuxuuna yiri ka hor kulanka barri:

Image result for Diego Simeone vs Barcelona

“Way adagtahay inaan u tartanto koobabkii ay u tartameen waqtigaan, 8-koob ayuu la qaaday Enrique marwalbana waxay u tartamayaan heerarka sare” ayuu yiri Diego Simeone.

“Koox walba ayaa soo bandhigta ciyaar liidata taas oo kale ayaana ku dhacday kulankii PSG, 4-qaybood ayaan la ciyaarnay koobka boqorka”.

“Kaliya hal qayb ayeey sifiican u ciyaareen waxayna naga reebeen koobka, anaguna waxaan soo bandhignay 3-qayb oo cajiib ah laakiin nama kaafin, taas ayaana si toos ah kuu tusinaysa awoodooda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close