Ancelotti oo amaanay qaabkii Mourinho uu ula hadlay tababarihii la cayriyay ee Claudio Ranieri

(Munich) 25 Feb 2017 Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa la dhacay qaabkii uu Jose Mourinho uga hadlay cayrintii Claudio Ranieri.

Jose Mourinho ayaa ugu baaqay Claudio Ranieri inuu ahaado mar walba shaqsi faraxsan maadama uu aad uga xumaa in laga cayriyo shaqadiisa kooxda Leicester City.

Balse Ancelotti ayaa sheegay inuusan u baran in isaga iyo Mourinho ay hadal isku raacaan, wuxuuna cadeeyay in markaan uu la dhacay qaabkii uu ula hadlay Claudio Ranieri.

Image result for Ancelotti and Mourinho

“Waan ku raacsanahay Mourinho fariintii uu u diray Claudio Ranieri oo ahayd inuu faraxsanaado, uma baran inaan wax isku raacno laakiin markaan wax fiican ayaad samaysay Jose” ayuu yiri Ancelotti.

“Kubadda cagta marka arimuhu ay isku toosanyihiin waxaa la amaanaa kooxda iyo ciyaartoyda laakiin marka wax walba ay xumaadaan tababaraha ayaa ah qofka qaadanaya eeda oo dhan” ayuu sii raaciyay xili uu ka hadlayay cayrintii Claudio Ranieri.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close