SAWIRRO XULA H: Horseed oo guul ka gaartay dhiggeeda Heegan

(Muqdisho) 24 Feb 2017.Kooxda Heegan ayaa guuldarro kala kullantay naadiga ay sida weyn u xifaaltamaan ee Horseed, kaddib ciyaar ka dhacday garoonka Koonis.

Kullankaan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxaana waqtigii loogu tala galay uu kusoo dhammaaday 2-0 oo ay guusha ku qaadatay naadiga Horseed.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0, xilii Heegan billoowgii dheesha ay iska lumisay fursado wanaagsan.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Horseed ayaa la timid gool cajiib ah, waxaana madax ku dhaliyay weeraryahankooda Edmond  Owako isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

IMG_8743

Xiddigii hore ee Badbaado C/risaaq Zalatan ayaa badel kusoo galay kullanka, waxa uuna kooxda Booliska u keenay gool bar baraha.

IMG_8771

Edmond  Owako  ayaa mar kale gaaray shabaqa markii uu dhameystiray kubad uu soo tufay goolhayaha Heegan ee Maxamed Subeyr.

IMG_8776

Dhanka kale kooxda Elman ayaa 3-1 uga badisay naadiga Gaadiidka ciyaar ka dhacday garoonka Jaamacadaha.

IMG_0027 IMG_0029 IMG_8606 IMG_8607 IMG_8611 IMG_8622 IMG_8635 IMG_8636 IMG_8638 IMG_8639 IMG_8641 IMG_8644 IMG_8648 IMG_8652 IMG_8656 IMG_8657 IMG_8659 IMG_8661 IMG_8673 IMG_8676 IMG_8677 IMG_8682 IMG_8683 IMG_8686 IMG_8687 IMG_8695 IMG_8704 IMG_8711 IMG_8716 IMG_8717 IMG_8718 IMG_8719 IMG_8722 IMG_8730 IMG_8732 IMG_8736 IMG_8741 IMG_8743 IMG_8744 IMG_8746 IMG_8747 IMG_8748 IMG_8751 IMG_8754 IMG_8755 IMG_8762 IMG_8763 IMG_8764 IMG_8767 IMG_8771 IMG_8772 IMG_8775 IMG_8776 IMG_8779 IMG_8780 IMG_8781 IMG_8782 IMG_8785 IMG_8786

SAWIR QAADE: Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close