INTER MILAN VS AS ROMA: ”Roma ku dhufo meesha ay ka jilicsan tahay” – Stefano Pioli

(Milano) 24 Feb 2017 – Macallinka Inter Milan ee Stefano Pioli ayaa rumaysan in ay ku guulaysan karaan kulanka Inter-Roma isagoo sheegay in qoladii badisaaba ay “tahay middaa meesha ay ka jilicsan tahay midda kale ku dhufatay”.

Kooxda Nerazzurri ayaa soo dhowaynaysa wiilasha Luciano Spalletti oo ay fiidnimada Axaddda ku ballansan yihiin San Siro wuxuuna macallinkani rajaynayaa kulan aad u adag.

“Waxaa ciyaaraya laba kooxood oo ka mid ah kuwa ugu adag uguna bandhigga wanaagsan horyaalka Talyaaniga. Kubad haysiga, goolasha iyo bandhigeennu wuu isu dhow yahay marka farqi wayni uma dhexeeyo labada naadi.” ayuu Pioli shirkii jaraa’id ee maanta ka sheegay.

“Kooxdii badisaaba waa middii kooxda kale ku dhufata halka ay ka jilicsan tahay, rikoodhkayga dhanka Roma waa inuu is bedelaa.” ayuu raaciyay.

during the Serie A match between FC Internazionale and ACF Fiorentina at Stadio Giuseppe Meazza on November 28, 2016 in Milan, Italy.
during the Serie A match between FC Internazionale and ACF Fiorentina at Stadio Giuseppe Meazza on November 28, 2016 in Milan, Italy.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close