RASMI: Isku aadka waareegga 16-ka Europa League oo la sameeyey… (Yey ku beeg meen kooxaha Man United iyo Roma?)

 C5bRoMdXMAA0yCM

(Yurub) 24 Feb 2017 – Xiriirka kubadda cagta Yurub ayaa isku aadiyey 16-ka kooxood ee isugu soo haray koobka Europa League.

Manchester United ayaa ku aaday kooxda Ruushka ee FC Rostov wareegga 16-ka Europa League.

Jose Mourinho kooxda uu hoggaamiyo ayaa wareeggan soo gaartay kaddib markii ay isku cel-celis ahaan 4-0 uga soo adkaatay Saint-Etitenne khamiistii, waxaana ay wajihi doontaa kooxda ka dheesha Russian Premier League, iyadoo labada lug la ciyaari doonta bisha soo socota.

Dhinaca kale kooxda Gent oo tartankan ka soo reebtay Tottenham Hotspur ayaa la ciyaari doonta Genk, halka Schalke ay wajihi doonto naadiga ay Bundesliga ku xafiiltamaan ee Borussia Monchengladbach.

Kooxda reer Talyaani ee Roma ayaa lagu beegay naadiga reer France ee Lyon, waxaana kooxda ka dheesha Serie A lugta hore ay booqan doonta Waddanka Faransiiska.

Kulamada waareegga 16-ka tartanka Europa League ayaa la ciyaari doonaa 09 iyo 16-ka bisha soo socota ee Maarso.

Isku aadka Europa League oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-  

Celta Vigo vs. Krasnodar

APOEL vs. Anderlecht

Schalke vs. Borussia Monchengladbach

Lyon vs. Roma

Rostov vs. Manchester United

Olympiacos vs. Besiktas

Gent vs. Genk

Copenhagen vs. Ajax

C5bgetTWcAEab0T

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close