Henrikh Mkhitaryan oo la xaqiijiyey inuu seegayo Final-ka EFL Cup ee Axadda

Makh

(Manchester) 24 Feb 2017 – Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa xaqiijiyey in Henrikh Mkhitaryan uu seegi doono final-ka EFL Cup oo ay Axadda la ciyaari doonaan Southampton.

Wayne Rooney ayaa ku jiri doona shaxda kulankaas, kaddib markii kabtanka Ingiriisku uu shaaca ka qaaday inuu sii joogi doono garoonka Old Trafford markii uu war saxaafadeed soo saaray Khamiistii.

Dhinaca kale Michael Carrick ayaa isna sidoo kale taam u ah kulanka ka dhacay garoonka Wembley.

“Michael Carrick waa la heli karaa oo waa diyaar, Mkhitaryan waa uu maqan yahay” ayuu yiri Mourinho oo intaa ku daray: “Phil Jones aan aragno, go’aankana berri ayaan ka gaari doonnaa.”

Mkhitaryan ayaa dhaawac muruqa ah uu soo gaartay kulankii wareegga 32-aad ee Europa League oo ay Man United la ciyaartay naadiga Saint-Etienne, waxaana uu dhaliyey goolka qura ee ay kooxdiisu ku adkaatay kulankaas.

Red Devils ayaa Axadda la ciyaari doonta naadiga Saints, 26 bishan Febraayo ayeyna indhaha ku hayaan inay ku guuleystaan koobka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close