DAAWO: Lionel Messi oo sida BOQOR oo kale loogu soo dhaweeyay dalka Masar

Messiii

(Cairo) 24 Feb 2017. Lionel Messi ayaa talaadadii gaaray magaalada Cairo ee dalka Masar iyadoo halkaa loogu soo dhaweeyay sida Boqor oo kale.

Xiddiga reer Argentina ayaa qeyb ka ahaa mashruuc deeq loogu ururinayay dadka la il daran cudurka cagaarshowga oo si wayn ugu baahay dalkaasi.

Dhowr iyo toban baabuur iyo mootooyinka Booliska ayaa garoonka looga soo qaaday Lionel Messi iyadoo uu markii hore booqday goobta caanka ah ee Ahraamta.

Laacibka 5-ta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa intaa kaddib sawiro la galay qaar ka mid ah taageerayaasha ka hor inta uusan gaarin Mena House Hotel oo ay ka dhaceysay mashruucii deeq ururinta.

DAAWO SIDA MESSI LOO SOO DHAWEEYAY:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close