”Balotelli CARRABKA ayaan ka jaraynaa!!” – Mino Raiola

(Amesterdam) 24 Feb 2017 – Wakiilka Mario Balotelli ee Mino Raiola ayaa ku doodaya waloow ay kaftan tahay inuu xal u helay qannaaska qulban ee kooxda Nice. “Carrabka ayaannu ka jari doonnaa!” ayuu yiri.

Balotelli ayaa todobaadkii tegey mar kale kusoo noqday shaashadaha iyadoo aan warsan laga werinaynin, kaddib markii uu todobaad dhamaadkii roose ku qaatay dhaqan bilaa micne ah oo ah inuu si laga fursan karey u caayay garsooraha intii lagu jirey kulankii ay kooxdiisu 1-0 ku dubatey Lorient.

“Xal baan helay xal: Carrabka baannu ka jari doonnaa,” ayuu Raiola ku yiri RMC.

“Uma baahnid luuqad si aad kubad u ciyaarto, sidaa darteed waxaan rabnaa inaan carrabka ka jarno. Runta haddaan ka hadlo khalad bayn buu galay. Wax marmarsiinyo ahna ma laha, waa arrin ay tahay inuu iska saxo waayo waa wax uu ogyahay inay dhibayso isaga iyo kooxdiisaba.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close